Rabshado ka dhacay magaalada Borama oo ay dad ku dhaawacmeen

Boorama

Rabshado ayaa ka dhacay maanta magaalada Boorama taasi oo keentay inay ciidamada amnigu rasaas furaan sida ay sheegeen goobjoogayaal. Ugu yaraan lix shacab ah iyo 11 ka tirsan ciidamada amniga ayaa la sheegay inay rabshadahan ku dhaawacmeen.

Rabshadan ayaa imanaya maalmo kadib markii askari dhowaan lagu dilay magaalada Lawyacadde. Askariga dilka geystay ayaa maxkamad milatari ahi ay dil ku xukuntay inkastoo aan weli la fulin.

Warbixintan waxaa inoo soo diray Haashim Sheekh Cumar Good.

Your browser doesn’t support HTML5

Wararka ugu dambeeyey ee Rabshadaha Borama