Aabaha afar caruur oo ku dhintay guri ku dumay Mqdisho oo ka hadlay sida ay wax u dheceen

Guriga dumay

Saacadihii danbe ee xalay ayaa guri ku yaala degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho uu qeyb ahaan dumay, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen afar wiil oo walaalo ah. Qoyska intiisa kale oo ka kooban aabaha, hooyada iyo toddobo caruur ah ayaa ka badbaaday.

Aabaha dhalay carruurta ayaa VOA u sheegay in ay deganaayeen guri ka mid ah kuwa ugu qaddiimisan Muqdisho.

Carruurta afarta ah ayaa jiifay daaradda dhismaha halka qoyska intiisa kalana ay ku jireen gudaha.

Haddaba, wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo la kulmay aabaha caruurta geeriyootay ayaa warbixin ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta iyo wareysiga guriga dumay ee ay caruurta walaalahi ahi ku dhinteen