Golaha wasiirada Puntland ayaa shaley ansixiyey wax ka badalka tirada asxaabta siyaasada ee maamulkaas oo markii hore ahaa sedex, halka ay hada nqoonayaan shan. Baarlamanka Puntland ayaa loo gudbiyey si uu u ansixiyo.
Siyaasiyiin iyo madax hore oo Puntland kasoo jeeda ayaa ku tilmaamey talaabadan mid uu madaxweynaha xilka haya Siciid Abdullahi Deni uu mudada ku sii dheereysanaayo.
Haddaba Falastin Ahmed Iman ayaa weydiisey madaxweynihii hore ee Puntland Abdiwali Ali Gaas sida uu u arko go'aanka golaha wasiirada Puntland.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhageyso wareysiga Cabdiweli Gaas.m4a
Dhageystayaal waxaa inaga xusuusin ah in aan xiriir la sameynay Xafiiska Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, balse aysan noo suuragalin. Marka ugu horeysa oo aan helnana waan idiin soo gudbin doonaa.