Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan odeyaal ayaa ku dhintay weerar saaka aroortii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar culus oo ku bilowday qaraxyo oo malayshiyada Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsatay saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Masagawaa.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa VOA u sheegay in ciidankoodu uu khasaare gaarsiiyay malayshiyadi weerarka soo qaaday, ayna dagaalka ku dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in degmada Masagawaa ay si buuxda ula wareegtay, halkaasina ay ku qabsatay gaadiid dagaal iyo hub.
Weerarka Masagawaa ayaa yimid maalin uun kadib markii hay’adda NISA ay sheegtay in howlgal qorsheysan oo dhacay habbeenimadii Khamistii ay ku dishay 20 ka tirsan malayshiyada Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.
NISA ayaa war qoraal ah ku sheegtay in howlgalka oo ay gacan ka geysteen dalalka taageera Soomaaliya uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ugunji iyo Mubaarak.