Sidee looga ciiday deegaanada kala duwan ee Soomaalida?

Dadweyne ku tukanaya magaalada Hargeisa, salaadda ciidda.

Magaalooyinka Soomaalida ee Geeska Africa waxaa maanta si isku mid ah looga dabbaaldeggay munaasabadda Ciidul-Fitriga. Madaxweynaha Somaliland, Muse Biixi Cabdi oo salaadda kala qeybgalay dadweynaha Hargeysa ayaa dadka deggan gobolka Sool ugu baaqay in colaadda gobolkaasi ka taagan la joojiyo oo lawada hadlo.

Warbixintan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Cakule.Madaxweynaha

Your browser doesn’t support HTML5

Sidee looga ciiday magaalada Hargeisa

Dhinaca magaalada Laascaanood-na, oo dadku inta badan ay uga carareen dagaalladda magaaladaasi ka dhacayay, waxaa maanta laga ooggay salaadda ciidul-fitriga, oo lagu tukaday masaajidka weyn ee magaaladasi ku yaalla.

Duqa magaalada Lascaando Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sheegay in nabad ka dhacda gobolka Sool ay ku jirto gacanta madaxweynaha Somaliland, isagoo ugu baaqay inuu ciidankiisa ka saaro magaalada.

Tukashada salaadda ciidda ee Laascaanood

Cabdikarim Olol ayaa warbixintan ka so diray Laascaanood.

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga ciiday magaaalada Laascaanood

Magaaada Bossaso-na, dadweynaha ayaa maanta si weyn ugu dabbaaldeggay munaasadda ciidda. Warbixintan waxaa noo soo dirtay Faadumo Yaasiin

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga ciiday magaalada Boosaaso

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah, deegaanada Soomaalida ee sida weyn looga ciiday, iyada oo masuuliyiin kala duwani ay shacabka deegaankaas kala qayb galeen gudashada salaadda ciidda.

Sawirada tukashada salaadda ciidda ee Kismaayo

Weriyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan innooga soo diray Kismaayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga ciiday magaalada Kismaayo

Weriyaha VOA Ramadaan Muuse ayaa isna warbixintan ku eegaya sida looga ciiday guud ahaan dalka Djibouti, gaar ahaan caasimadda dalkaas.

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga ciiday magaalada Djibouti

Dhinaca kalena magaalada Jigjiga ayaa ka mid ah, deegaanada sida weyn looga ciiday, iyada oo madaxweynaha dawlad deeganka Soomaalida Mustafe Cumar uu kala qayb galay dadweynaha tukashada salaadda ciidda.

Weriyaha VOA Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa ayaa warbixintan ka soo diray Jigjiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga ciiday magaalada Jigjiga

Sawirada tukashada salaadda ee Jigjiga