Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka ayaa xalay isugu yimid kulan looga arrinsanayay dhibaatooyinka dalkaasi ay ku wajahayaan oo ay kamid yihiin dhinacyada socdaalka, shaqooyinka iyo is dhaxgalka.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wacyigelin loo sameynayay bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo qaar kamid todbaadyadii lasoo dhaafay ku lug yeeshay faldambiyeedyo ka dhacay Jarmalka oo ay ugu dambeysay gabar ilmo ay dhashay toorrey ku dishay oo maxkamad ay xabsi daa’in ku xukuntay iyo kuwo tareen isu dhigay.
Maxamed Cabdulaahi Farxalay gudoomiyaha Ururka SEKO oo jaalaliyadda Soomaalida ee Germany ka caawisa arrimaha socdaalka iyo is dhexgalka bulshada
Your browser doesn’t support HTML5
Soomaalida Jarmalka.mp3