Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maanta ka dhoofay Muqdishu kadib booqasho hal maalin ah oo uu ku tegey Soomaaliya. Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in abaaraha Soomaaliya ay ku barakaceen illaa 1.4 milyan oo qof oo u badan dumar iyo carruur.
Guterres waxa uu sheegay in xilligan illaa laga gaadhayo bisha June, in dad dhan 6 milyan iyo 500 kun oo Soomaali ah ay waajihi karaan cunno yaraan daran. Waxa uu intaas ku daray in halistii macluushu ay weli sideedii tahay.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Your browser doesn’t support HTML5
Baaqa xoghayaha QM ee xaaladda bini'aadanimo
Dhinaca kalena, sannadihii la soo dhaafay waxaa abaaraha ka jira Soomaaliya ku barakacay malaayiin qof, iyada oo Qaramada Midoobey ay sheegtay kala-bar shacabka Soomaaliyeed inay u baahanyihiin gar-gaar. Haddaba, booqashada Antonio Guterres indhaha caalamka makusoo jeedin doontaa Soomaaliya? waxaa warbixin arrintaasi ku saabsan ka soo diray Muqdisho Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.
Your browser doesn’t support HTML5
Falanqayn: Safarka xoghayaha QM