Haweenka Soomaaliyeed oo maanta xusaya 8-da Maarso

Dunida waxaa maanta oo kale 8-da bisha Maarso sanad walba laga xusaa Maalinta Haweenka Adduunka.

Munaasabaddan oo sanadle ah ayaa taariikh ahaan, waxaa soo billaabay dhaq-dhaqaayadii ururada shaqaalaha ee Mareykanka horaantii qarnigii 20-aad, gaar ahaan dumar u dagaalamayay xaaladda shaqo oo wanaagsan iyo xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan.

Markii ugu horeysay ee la xusuusto in maalinta loo dabaal dego ayaa aheyd 1911-kii, waxaana laga xusay dalalka Austria, Denmark, Germany iyo Switzerland.

Wixii markaa ka danbeeyay, munaasabaddan ayaa weynaatay oo heer caalami ah gaartay. Qaramada Midoobay aqoonsatay maalintan sanadkii 1977-kii.

Meelaha munaasabadan sanad laga xuso waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan nooga soo dirtay Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Seynab

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaliya ayaa maanta munaasabaddan awgeed, haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadanayaan horumarka dalkooda.

Caasha Ibrahim Aaden ayaa warbixintan soo koobeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Caasha