Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qabtay kulan furan oo xog-waran ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya, waxayna warbxin kaga dhageysteen ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Anita Kiki Gbeho oo ka ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bini’aadantinimada ee Soomaaliya.

Safiirrada dowladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka sida Mareykanka ayaa iyana ka hadlay kulankan ay Golaha Ammaanku kaga hadlayeen xaaladda Soomaaliya.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Your browser doesn’t support HTML5

Golaha Ammaanka oo ka shiray xaaladda Soomaaliya .mp3