Jigjiga: Dedaallada lagula dagaalamayo qishka imtixaanaadka

Jaamacadda Jigjiga

Imitixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee loogu gudbayo jaamacadaha dalka Itoobiya ayaa sannadkan lagu qaaday xarumaha jaamadaha si loola dagaallamo qishka arrintaas ayaa keentay inay gudbaan tiro aad uga yar sannadihii la soo dhaafay.

Deegaanka soomaalida waxaa imtixaanka u fadhiistay 24,384 arday waxaana 50% kasareeya keenay 165 arday oo kaliya.

Haddaba Cabdimajiid Maxamed oo noqday ardayga ugu dhibcaha sarreeya, ardayda imtixaanka gashay ayaa u waramay weriyaha VOA Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga: Ardayga ugu sarreeyey imtixaanaadka DDS