Dhalinyaro tahriib ku maray dalal badan oo ka sheekaynaya waayo aragnimadoodii

Migrant Asylum Ban

Qaramada Midoobay ayaa hal toddobaad oo ka mid ah bisha April, waxay sannad walba u asteeyeen wacyigelinta tahriibka iyo socdaalka shari-darradaha ee xuduudaha la isaga gudbo, taas oo dhibaato badani ay ka soo gaadho tahriibayaasha.

Sannadkan hay'adda IOM iyo hay'ado kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa wada diyaargarow xooggan oo ku aaddan xuska bisha April ee soo socda, iyada oo aad loo eegayo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha ee muhaajiriinta.

Haddaba waxaan idiin haynaa sheekooyin ka hadlaya dad Soomaaliyeed oo galay safaro dhaadheer oo tahriib ah oo ay ka bilaabeen magaalooyinkii ay deganaayeen, iyaga oo safaro halis badan ku sii maray wadamo kala duwan, balse markii ay ku guuldaraysteen safaradoodaas, dib ugu laabtay deegaanadii ay ka tahriibeen.

Maslax Nuur waa wiil dhalinyaro ah oo safar tahriiba ku maray illaa 5 dal oo Afrika ku yaalla, hase ahaatee markii dambe dib ugu laabtay xeryaha Dhadhaab oo uu markii hore ka tegey, weriyaha VOA Cabdisalaan Salas ayaa la sheekaystay

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysi ku saabsan tahriibka

Dhinaca kalena, Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan ku eegay sheekooyin kale oo ku saabsan tahriibka.

Your browser doesn’t support HTML5

Sheekada tahriibayaal ka tegey Boosaaso