Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay kooxo hubaysani ay bambooyin ku tuureen goob uu ka socday shir la xidhiidha hawlaha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee la filayo inay ka qabsoomaan magaalada saddex gobol oo ka mida Puntland.
Qoraal ka soo baxay laamaha ammaanka ee Puntland ayaa lagu sheegay in abbaara 8:20 daqiiqo wakhtiga magaalada Boosaaso, in bambo gacmeed lagu tuuray agagaarka garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay, inaanu weerarkaasi wax khasaare ah geysan.
Booliska ayaa uga digay shacabka, in cid kasta oo ku lug yeelata falal amniga lid ku ah, in tallaabo laga qaadi doono, sharciga la horgeyn doono.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay urur siyaasadeeda qaarkood ay sheegeen inaanay ka qaybgelaynin diiwaangelinta codbixiyayaasha, halka magaalada Garoowena ay shir ku qabteen qaar ka mida masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo Federal-kaba, kuwaas oo ka biyo diiday hannaanka loo wado diiwaangelinta.