Xisbiga Waddani oo sheegay in dad badan lagu xiray banaanbaxii Burco

Taageerayaasha Waddani

Iyadoo weli aan xal lo helin muranka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa maanta Xisbiga Waddani ay sheegeen in tobannaan dad ah loo xiray bannaanbax ka dhacay magaalada Burco habeenkii Axaddii kadib hadalkii ay madaxda xisbiyada mucaaradku ku sheegeen inaysan aqoonsanayn sharciyadda madaxweynenimada Muse Biixi Cabdi.

Haddaba warbixin arrintan ku saabsan oo ay soo dirtay Sagal Mustafe Xasan Nuur iyo falcelinta xubnaha xisbiga Kulmiye iyo booliska Somaliland hoos ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Xisbiga Waddani oo sheegay in dad badan lagu xiray banaanbaxii Burco