Dabley hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Shiikh Cabdcasiis Axmed Xirsi oo ahaa khadhiibka Masjidka Dabaqeynka oo ku yaalla xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
Shiikha Cabdicasiis oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee caanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa caddeynta iyo ka hortagga fakarka xagjirnimada ee kooxda Alshabaab, isagoo Jimcihii shalayna khudbaddiisii Jimcaha ee uu masjidka ka jeediyey kaga hadlay kooxda Shabaab.
Dilkiisa ayaa waxaa cambaareeyay culumada Soomaaliyeed.
Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Mursal (Samakaab) ayaa dilka shiikha ka wareystay Shiikh Cali Maxamud (Sh. Cali Wajiis) oo ay saaxiibo ahaayeen Shiikh Cabdicasiis.
Your browser doesn’t support HTML5
Shiikh caan ah oo lagu dilay Muqdisho