Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo sanado badan ay al-Shabaab maamulayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay ka saareen miinooyin deegaanka lagu aasay.
Col. C/qaadir Xasan Qoondhe, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Cali Gaduud ayaa ka waramay xaaladda deegaanka. Jamaal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka kula xiriirey.
Your browser doesn’t support HTML5
Waraysiga Col. C/qaadir Xasan Qoondhe