Tan iyo markii ay magaalada Muqdisho gilgileen labadii qarax ee waaweynaa ee Sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe, kaas oo ay geysteen ururka al-Shabaab, ayaa waxaa isa-soo taraya khasaaraha dhimashada ee dadka lagu gumaaday weerarkaas.
Tirada dhimashada ayaa hadda kor u dhaaftay illaa 100 qof. Dadka geeriyooday ee Axadii shalay la ogaaday, waxaa ka mid ah, Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ahaa weriyayaashii idaacaddii Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.
Cabdullaahi wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saxafiyiintii dalka uga cararay dilalka iyo qaraxyada kooxda al-Shabaab, wuxuuna dalka dib ugu laabtay, ka dib markii uu ka maqnaa illaa 16 sannadood.
Nuur Xasan Nuur ayaa taariikhda saxafigan dhintay ka waraystay Xasan Muuse Sabriye oo ay saaxiibo dhow ahaayeen, kana wada shaqayn jireen Horn Afrik.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhimashada weriye Cabdullaahi Jaamac