Dawlad Deegaanka Soomaalida oo deeq kala duwan ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan

Hiiraan

Maamulka dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ee dawlad goboleedka Hirshabeelle, deeq isugu jirtay raashin ,daawo, gaadiid iyo saanad kale.

Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in taakuladani ay tahay wejigii labaad, isla markaana ay ugu talo galeen sidii Hirshabeelle ay uga caawin lahaayeen dagaalka ay kula jiraan ururka al-Shabaab.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa innoo haya weriyaha VOA ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

Deeqda Dawlad Deegaanka Soomaalida