Abaabulka duulaan ku wajahan Ceelbuur oo socda

Ibraahim Mahad Alle

Gobolka Galguduud waxaa laga soo sheegayaa abaabul dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah xarumo waaweyn oo maleeshiyada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka.

Ciidmada dowladda Federalka Soomaliya oo ay wehliyaan maleeshiyo beeleedyo deegaanada Galguduud kasoo jeeda ayaa dhowr jiho kaga siqaya magaalada Ceel-Buur oo la aaminsanyahay inay tahay xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee gobolka Galguduud.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa dhaq-dhaqaayadan ka wareystay Ibrahim Cumar Mahadalle (Ibrahim Dheere), gudoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Banaadir oo ka mid ah siyaasiyiin iyo waxgarad ciidamada ku wehliya jiidaha dagaalka, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay halka uu ku suganyahay.

Your browser doesn’t support HTML5

Abaabulka duulaan ku wajahan Ceelbuur oo socda