Carruur walaalo ah oo miino kula qaraxday gobolka Bari

Boosaaso

Wararka ka imaanaya deegaanka Laaso Dawaco ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in miino ay kula qaraxday labo wiil oo walaalo ah ay ku ciyaarayeen goobta ay kula qaraxday, waxaana hada lagu dabiibayaa Isbitaalka Degmadda Carmo.

Gudoomiyaha Laasa dawoco Maxamuud Jaamac Biritish ayaa wariyaha VOA ee Boosaaso Yuusuf Maxamuud Yuusuf u sheegay in xilliga miinada carruurtaas ay ku qarxeysay ay ku ciyaarayeen.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga carruur miino la qaraxday.mp3