Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday dagaal ay dowladda la gasho Al-Shabaab oo lagu tirtiro kooxdaas.
Dagaalkan uu sheegay Madaxweynaha in dowladiisu la galeyso Al-Shabaab ma aha markii ugu horreysay ee sanadkii 2012-kii ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sidan oo kale uu sheegay.
Dhammaan madaxweynayaashii kale ee soo maray Soomaaliya ayaa ka sinnaa ballanqaadka la dagaalanka Al-Shabaab.
Khubarada amniga iyo ciidanka ayaa qaba in milatari kaliya aan lagu dayin xal u helidda Al-Shabaab ee la isku dayo in wadahadal lala galo, haddiiba ay dhinacooda suurta gal ka tahay.
Khubarada fikirkaas qaba waxaa ka mid ah Jeneraal Maxamed Nuur Caliyow oo ka mid ah saraakiishii ciidanka Soomaaliya.
Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefonka magaalada Toronto ee dalka Canada oo uu degganyahay kula xiriiray. Wuxuuna ugu horeyn weydiiyay bal sida uu u arko tayada iyo awoodda ciidanka Soomaaliya ee madaxeynuhu ku doonayo inuu ku cirib tiro Al-Shabaab.
Your browser doesn’t support HTML5
Al-Shabaab ma looga adkaan karaa dagaal kaliya?