Mucaaradka Somaliland oo qabanaya mudaaharaad ay xukuumaddu 'sharci-darro' ku tilmaantay 

Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe

Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa qoraal u gudbiyey wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ay ku wargalinayaan inay mudaharaad sameyn doonaan maalinta Khamiista ah.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo saaka wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin uu ka digay mudaharaad sharci daro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo xoghayaha warfaafinta UCID Yuusuf Kayse ayaa labaduba u warramay weriyahayaga Khadar Maxamed Cakulle. Hadalkana waxa ku horraynaya wasiirka amniga Maxamed Kaahi.

Your browser doesn’t support HTML5

Mucaaradka Somaliland oo qabanaya mudaaharaad dowladdu diiddan tahay .mp3