Waddooyinka Kismaayo oo inta badan ay biyo xireen

Kismaayo

Roobab xooggan oo maalmahan ka da’ayay magaalada Kismaayo ayaa sababay in ay xirmaan inta badan waddooyinka magaalada.

Qeybaha bulshada ku dhaqan Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay arrintan. Dhinaca kalena waxaa arrintan ka hadlay maamulka dowladda hoose ee dagmada Kismaayo.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Kismaayo Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Cabdullaahi Gaab) ayaa wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad uga warramay halka ay marayaan dhismaha waddooyinka iyo cabashada ku aadan waddo xumada ka jirta magaalada.

Your browser doesn’t support HTML5

Waddooyinka Kismaayo oo inta badan ay biyo xireen