Maxaabiistii Xsbiyada Mucaaradka Somaliland oo lasii daayey

Waxaa goor dhaweyd laga sii daayay xabsiga dhexe ee Mandheera ee Somaliland siyaasiyiintii Xisbiyada Mucaaridka kuwaasi oo xidhnaa in ka badan sadex toddobaad.

Sii daynta Xubnahan ayaa ka danbaysay codsi ay gudigii dhexdhexaadintu oo uu horkacayo Gudoomiyaha guurtida Somaliland Sulemaan Maxamuud Aadan ay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taasi oo uu aqbalay madaxweyne Biixi.

Warkan waxa Hargeysa kasoo dirtay Sagal Mustafe Xasan.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxaabiistii Xsbiyada mucaaradka Somaliland oo lasii daayey