Wareysi: Intee ayay le'eg tahay waxyeellada abaarta Soomaaliya?

Jan Egeland oo toddobaadkan booqasho ku maray Soomaaliya

Hay’adda Qaxootiga Norway ee NRC ayaa sheegtay in abaar ka dhalatay isbeddelka cimilada ee dunida ay ku dhufatay malaayiin Soomaali ah, waxaana laga cabsi qabaa in sanadkii shanaad ay roobabku baaqdaan, ayna ka dhashaan gaajo, cudurro, iyo barakac.

NRC waxay sheegtay in ka badan 800 kun oo qof inay ka barakaceen guryahoodii tan iyo bilowgii sannadkii hore, abaarta darteed, halka dadka ay waajahayso gaajada oo ahaa wax ka yar shan milyan haatan laga cabsi qabao inay kor u dhaafto toddoba milyan bilaha soo socda.

Haaruun Macruuf ayaa xaaladda abaarta waddanka ka waraystay Xoghayaha Guud ee hay’adda NRC Jan Egeland oo toddobaadkan booqasho ku marayey Soomaaliya.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Xoghayaha Guud ee NRC.mp3