Hanti-dhawraha Soomaaliya oo ka horyimi xeer ay meel mariyeen golaha wasiiradu

Golaha Wasiirada Soomaaliya

MUQDISHO - Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku wargeliyeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Soomaaliya in la joojiyo xeer-nidaamiyaha sharciga maaraynta maaliyadda, kaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirada ee Soomaaliya, bishan May 11-keedii.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee ay ku leeyihiin Facebook ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ay ku jiraan khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Qoraalka ka soo baxay hanti dhawrka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si la mid ah tallaabadan ay maanta qaadeen ay bishii November 2021 u joojiyeen inuu dhaqangalo xeerkani, isaga oo aan xilligaas marin habraacyadii sharci ee saxda ahaa.