Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada Soomaaliya

Doorasho

Saacado ayaa ka harsan doorashada Soomaaliya oo lagu wado in ay ka qabsoonto teendhada Afisyooni ee garoonka diyaaradaha ee muqdisho. Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo rogay bandow. Haddaba, warbixin ku saabsan u diyaar garowga doorashada iyo jawiga Muqdisho waxaa inoo soo diray Wariyaha VOAda Cabdicasiis Barrow.

Your browser doesn’t support HTML5

Bandaw lagu soo rogay Muqdisho

Doorashada Soomaaliya ee dhaceysa beri waxaa lagu soo beegay 15-ka May oo ku asteysan Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo aasaasii ururkii Leegada ee qeybta ka soo qaatay xornimo doonkii dalka 1943-kii.

Haddaba, 79 sanadood ka dib waa maxay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo caqabadaha heysta ee madaxda imaneysa horyaala inay xal u helaan?

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray Wariyaha VOAda Xassan Kaafi Cabdiraxman qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Dareenka Dhallinyarada ee Doorashada Madaxweynaha