Diyaargarowga Ciidda ee Boosaaso

Boosaaso

Suuqyadda xarunta ganacasiga Puntaland ee Boosaaso ayaa laga dareemayaa dukaamaysi xoogan oo ay dadku ugu diyaar garoobayaan munaasabadda Ciidal Fitri. Inta badan bulshada ku nool magaalada ayaan wali ka xagaa bixin xilliga kuleylka, oo haatan diirrimaadkiisa si weyn looga dareemayo dareemayo magaalada.

Dhinaca kale, bulshadu waxa ay walaac ka muujiyeen sara-u-kaca ku yimid qiimaha alaabata sida dharka, iyo agabyada kale ee ay dadku si aad ah usoo iibsadaan munaasibaad Ciida.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan ka soo dirtay Boosaaso.

Your browser doesn’t support HTML5

Diyaargarowga ciidda ee Boosaaso