Yaa ku guuleystay kursigii Cabdiweli Muudey? 

Maxamed Cabdalla Axmed ayaa maanta kusoo baxay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP145, kadib markii uu ku guuleystay 76 cod, halka musharraxii la tartamayay oo ahaa Cabdullahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod.

Kursigan ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdiweli Ibraahim Muudeey isaga oo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe, si uu ugu tartamo doorashada kursigan.

Muudeey ayaa is-hortaaga lagu sameeyey ku tilmaay mid sharciga baal marsan, laakiin booliska Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in sababta garoonka Aadan Cadde looga celiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudey ay aheyd isaga oo watay ciidammo ka badan kuwa sharci ahaan la oggolyahay.

Muudey weli kama hadlin natiijada doorashada kursigan.

Sidoo kale, dhowr xildhibaan oo kale ayaa maanta lagu doortay magaalada Baraawe, oo lagu soo geba-gebeeyey dhammaan doorashada kuraastiii loo asteeyey.

Warbixintan waxaa noo soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Your browser doesn’t support HTML5

Doorashada dhowr xildhibaan oo ka dhacday magaalada Baraawe?