Weerar lagu qaaday musharax xildhibaan oo dhowr qof ku dhaawacay Garoowe
GAROWE —
Israsaaseyn lagu dhaawacay dhowr qof oo uu ku jiro mid ka mid ah murashixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.