Intee le'egyahay culeyska amni ee saaran ganacsatada Bakaaraha?

Muqdisho

Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan ku qasbay ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay dib u furan suuqa oo maalmo xirnaa.

Ganacsatada ayaa suuqa xiray sida la sheegay kadib markii ay heleen amar ka yimid kooxda Daacish oo dalbaday in ganacsatada ay bixiyaan lacag ay ugu yeereen canshuur.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa amray in aan suuqa lagu xiri karin amar aan kooda ahayn, waxaana haatan Ciidamada amniga ay ilaalinayaan suuqa.

Haddaba, intuu le’eg yahay culeyska saran ganacsadatada suuqa. Arrimahan ayaa weriyaheena Cabdulqaadir Samakaab wuxuu ka wareytsya Xuseen Macalin, oo madax u ah machadka Hiraal ee ka fallanqooda arrimaha aminga.

Your browser doesn’t support HTML5

Intee le'egyahay culeyska amni ee saaran ganacsatada Bakaaraha?