Jubaland oo baaq kasoo saartay waxyeellada abaaraha

Waqooyiga magaalada Kismaayo waxaa buux dhaafiyay kumannaan dadkii kasoo barakacay abaaraha baahsan ee ka jira deegaannada Jubaland, kuwaasi oo ay hadda dhibaato dhinaca nolosha oo adag ay ku heyso magaalada Kismaayo.

Qaar ka tirsan masuuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa dadkaas booqday, iyagoona baaq kasoo saaray sidii dadkaasi gurmad loo gaarsiin lahaa.

Faafaahinta warkaasi waxaa Kismaayo diray Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Jubaland oo baaq kasoo saartay waxyeellada abaaraha