Xildhibaano ka mid noqonaya Golaha Shacabka oo maanta la doortay
Xildhibaanada maanta la doortay
BAYDHABA —
Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay waxaa maanta lagu doortay qaar ka mid ah xubnaha Koonfur Galbeed uga mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.
Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee la qabto tan iyo heshiiskii cusub ee laga gaaray doorashada ee 9-kii Janaayo ay Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.