Dareenka qaxootiga Soomaalida ee Kenya ee siyaasadda Somalia

Khilaafka iyo jahawareerka hareeyay arrimaha doorashada Soomaaliya ee u dhaxeeyay Madaxda DFS iyo kuwa dowlad gobboleedyada ayaa niyad jab xooggan ku abuuray kumanaan qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya kuwaasoo maalin walba dhagta u taaga, si dhowna ula socda bal in xaaladda dalkoodu ay soo hagaagto.

Muxumed Sheekh Maxamed waa Aabo 66 sana jir ah, islamarkaana 20-kii sano ee lasoo dhaafay Qaxooti ku ahaa Kenya, wuxuuna dareenkiisa ku aaddan khilaafka iyo jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya sida uu u arko uu uga warramay wariyaheena Nairobi, Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso aragtida qaxootiga Soomaalida ee Kenya