Mareykanka iyo UK oo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda ka taagan Muqdisho

Dalalka Mareykanka iyo UK ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda cusub ee u dhexeysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

"Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay qaataan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho. Rabshaddu waa wax aan la aqbali karin" ayay barteeda Twitter-ka ku soo qortay safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster.

Safaaradda Mareykanka ayaa iyana ku baaqaday qaboojinta xiisadda iyo in laga fogaado falalka kicinta rabshadaha.

Safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee magaalada Muqdisho ayaa xalay shaaciyay in ay taageersanyihiin shirka Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco todobaadkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqo-joojin ku sameeyay Ra'isul Wasaare Rooble, kaddib markii sida uu sheegay uu soo 'galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifalid dhul dan guud ah' oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.

Laakiin Ra'isul Wasaare Rooble oo ku gacan-seyray shaqo-joojinta madaxweynaha ayaa tallaabadan ku tilmaamay 'wax u eg afgambi ciidan.'