Xaaladda Magaaladda Boosaaso oo maanta degan

Boosaaso

Waxaa maanta oo Jimco ah deggan xaaladda magaalada Boosaso, kaddib dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo saddexdi maalmin ee lasoo dhaafay halkaasi ka dhacay.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo uu wato taliyihii hore ee Hey'adda Nabadsugidda Puntland iyo ciidanka amniga Puntland, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux oo isugu jira rayid iyo dhinacyada dagaallamay.

Dadki ka qaxay magaalada ayaa hadda billaabay in dib ugu soo laabtaan guryahdooda. Warbixintaan waxaa noo soo dirtay, Faduma Yasin Jamac.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso warbixintam Bosaso