Wareysi: Wasiirka Amniga Puntland oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka Boosaaso

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay xabbad-joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso oo tan iyo shalay dagaal uu ku dhexmaaya ciidamada maamulka iyo kuwa gaarka ah ee PSF.

Dagaalladan ayey ku dhinteen in ka badan 14 qof, iyo tobannaan kale oo ku dhaawacantay, waxaana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood. Xabbad joojinta waxaa ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso. Haddaba ka hor inta uusan mamaulka Puntland ku dhowaaqin xabbad-joojinta, welina uusan dagaalku istaagin ayaa saaka Haaruun Macruuf uu khadka telefoonka ku waraystay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana ugu horrayn uu weydiiyey xaaladda xilligaas ee magaalada Boosaaso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiirka Amniga Puntland