Kumuu ahaa Baashi Xoosh Jibriil oo lagu dilay Turkiga?

Allaha ha u naxariistee Baashi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Canada, gaar ahaan magaalada Toronto ayaa sida la sheegay ay tuugo ku dishay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Marxuumka ayaa dadka ku cusub Canada iyo guud ahaan Soomaalida dalkaasi ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga, iyo dib u dejinta.

Soomaalida magaalada Toronto ayaa tilmaamay in Baashi uu ahaa qof muhiim u ah bulshada.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa Cabdifataax Aadan Warsame (Cabdifataax Marayare) oo ay marxuumka isla soo koreen, saaxiib dhowna ahaayeen ka wareystay geeridiisa, ugu horreyna waxa uu waydiiyay sida ay kusoo gaartay geerida marxuumka?

Your browser doesn’t support HTML5

Kumuu ahaa Baashi Xoosh Jibriil oo lagu dilay Turkiga?