J. Hoose: Saddex qof oo u geeriyooday abaaraha jira

Sadex qof oo isugu jira laba caruur ah iyo qof waayeel ah ayaa la sheegay in ay gaajo iyo harraad ugu geeriyoodeen deegaanka Cabdalla Biroole ee Galbeedka Kismaayo, xili deegaanadaasi ay buux dhaafiyeen qoysas xoolahooda ay abaarta ka galaafatay, kuwaasi xaalado qalafsan ay ku heeysato tuulooyinka Galbeedka magaalada Kismaayo kaga beegan.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxa soo diray wariyaha VOA ee Kismaayo, Aadan Maxamed Salaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso abaaraha Jubaland