Afar dhallinyaro ah oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Buula-xaaji
KISMAAYO —
Afar dhalinyaro ah oo biyo u dhaaminayay xoolihii ay abaarahu saameenta ku yeesheen ayaa ku geeriyooday deegaanka Buula-xaaji ee galbeedka Kismaayo, kadib markii ay miino la qaraxday gaarigii ay wateen.
Waxaana qaraxaasi uu kusoo beegmayaa waqti saakey ay Buula-Xaaji la wareegeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab, waxaana dhacdadaas ka hadlay saraakiisha ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland.