Abaarta ka jirta Jubaland oo dishay 10 qof

Ugu yaraan 10 qof oo carruur u badan ayaa u dhintay waxyeellada abaaraha baahsan ee ka jira deegaannada Jubbaland, waxaana abaartan ay sidoo kale dishay xoolihii ugu badnaa ee deegaannadaas.

Dagmooyinka Baardheere iyo Luuq waxaa ku dhintay dad u badan caruur oo gaaraya illaa 10 qof, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dagmooyinkaasi.

Haddaba, sida ay gobolka Gedo u sameeysay abaarta baahsan ee dad iyo duunyaba galaafatay ayaa waxaa warbixin ku eegaya wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Abaarta ka jirta Jubaland oo dishay 10 qof