QM oo dalbatay in madaxda Soomaalida ay dedejiyaan doorashada
Martha Popee
MUQDISHO —
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya in ay dardargeliyaan dadaallada ku aaddan dhameystirka hannaanka doorashada iyo sidoo kale inay hubiyaan qoondada haweenka.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, Martha Ama Akyaa Pobee, oo ku suganeyd Muqdisho muddo shan maalmood ah, ayaa dhinaca kale sheegtay in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.