Wareysi: Khadar Caydaruus oo sameeyey filimka Xaaskii Xabaal-qodaha

Khadar Ayderus Ahmed

Filimka ku baxaya luuqadda Soomaaliga ah ee The Gravedigger’s Wife ama Xaaskii Xabaal-qodaha ayaa lagu soo bandhigi doonaa maalinta Arbacada ee toddobaadkan magaalada Muqdisho.

Filimkan ayaa si weyn loga soo dhoweeyey meelo kala duwan oo caalamka ah, wuxuuna kuna guulaystay abaalmarinno kala duwan.

Habenekii xalayna filimkan waxa uu ku guulaystay abaalmarino kale oo caalami ah.

Abaalmarinta Nordische Filmtage Lubeck Festival ee dalka Jarmalka ayaa filimku waxa uu ku guulaystay filimka ugu wanaagsan, halka dalka Tunisia uu jilaaga Cabdi Cumar helay jilaaga ugu wanaagsan.

Filimkan waxaa qoray islamarkaana agaasimay Khadar Caydaruus Axmed. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay sida fikirku ugu dhashay.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Khadar Caydaruus oo sameeyey filimka Xaaskii Xabaal-qodaha