Axmed Madoobe oo soo saaray liis murashaxiin Aqalka Sare ah
Axmed Madoobe
MUQDISHO —
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka soo saaray liiska murashaxiinta u tartameeysa afar kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ee Soomaaliya kuwaasi oo dhawaan lagu dooran doono magaalada Kismaayo.
Jubaland ayaa waxaa hore loogu doortay afar Senator, waxaana ku harsanaa afarta kursi ee maanta lasoo saaray liiskooda murashaxiinta.