Xog: Xirmooyinka shidaalka oo badankood maray dhinaca Soomaaliya

Qariidadda

Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xirmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay marayaan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub.

Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya.

Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.

Xirmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay.

Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya.

Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika.

Haddaba arrimahan ayaan ka wareysanay Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo xilligii uu wasiirka ahaa ay Soomaaliya sahaminta shidaalka ka samaysay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu isna baaritaan gaar ah oo uu sameeyey ku ogaaday in xirmooyinka badankoodu soo mareen dhinaca Soomaaliya. Isagoo jooga magaalada Muqdisho ayuu u warramay Haaruun Macruuf.

Your browser doesn’t support HTML5

Xog: Xirmooyinka shidaalka oo badankood maray dhinaca Soomaaliya