James Swan iyo mas'uuliyiin kale oo la kulmay Axmed Madoobe
James Swan iyo Axmed Madoobe
KISMAAYO —
Wafdi uu hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdigaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa wakiilka guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay kulamo saacada badan qaatay la yeesheen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.