Laascaanood: Somaliland oo tarxiishay boqolaal qof

Laascaanood

Ciidamada booliska Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya maanta ka tarxiilay magaalada.

Dadkan oo isugu jira caruur, haween iyo waayeelba ayaa Somaliland ay ku eedeynaysa amni-darro iyo dilal maalmahan ka dhacayay magaalada Laascannod.

Warbixintan waxaa Laascaanood ka soo diray Cabdikariim Olol.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Laascaanood oo laga raafay dad ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya

Dadka maanta Somaliland ay tarxiishey magalaada Laascaanood ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug leeyihiin amni-darro iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaadood.

Laakiin ganacsade ku sugan Laascaanood oo lagu magacaabo Aadan Cali Nuur ayaa VOA u sheegay in dadka la tarxiilay ay ku jiraan kuwo ay ganacsiga bah-wadaag ku yihiin. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka taleefoonka ku wareystay ganacsade Aadan Cali, wuxuuna weydiiyay sida dadkaasi la tarxiiley loo qabtay?

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi aan la yeelanay ganacsade ku sugan Laascaanood