Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo lagu dhaawacay Hargeysa
Golaha Wakiilada Somaliland
HARGEYSA —
Xildhibaan Axmed Yusuf Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta dhaawac loogu gaystay Xaafadda Shacabka oo xarun u ah inta badan Hay’adaha Dawladda.
Xildhibaan Axmed ayaa VOA u sheegay inuu falkan u gaystay Suldaan Saleeban Boqor Cisman oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland.