Faah-faahin ku saabsan qarax xalay ka dhacay Kismaayo

Kismaayo

Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay fiidkii ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland waxana ku dhintay laba qof oo shacab ah iyadoona ay ku dhawaacmeen 10 qof oo kale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay “inay ku beegsatay saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland.”

Sidoo kale mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga ee Mmaamulka Jubaland ayaa ka hadlay Qaraxaasi.

Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan kasoo diray Kismaayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Faah-faahin ku saabsan qarax xalay ka dhacay Kismaayo