Wareysi: Maxaa hortaagan in Al-shabaab laga saaro gobolka Jubada Hoose?

Al-Shabab Al-Shabaab

Tan iyo markii magaalada Kismaayo laga qabsadey Al-shabab siddeed sano kahor, waxay weli Al-shabaab gacanta heystaan degmooyin badan oo hoos yimaada gobolka Jubada Hoose, iyo guud ahaan gobolka Jubada Dhexe.

Labadii sano ee ugu dambeysay ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa isku horfadhiyay degmadaasi meelo aan kala fogeyn.

Haddaba, maxaa tahay caqabadaha ku hor gudban in ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalida ay gobolkaas ula wareegi la'yiin.?

Wariyaha VOA-da ee magaalada Kismaayo Aadan Maxamed Salaaad ayaa wareystey sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Jubbaland, oo la yiraahdo Xassan Maxamed Aadan Ciraaqi.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Maxaa hortaagan in Al-shabaab laga saaro gobolka Jubada Hoose?