Ciidamada Soomaaliya oo sheegay in 80 Shabaab ah ku dileen Camaara

Al-Shabab Al-Shabaab

Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay duqeyn shalay ka dhacday degmada Camaara ee gobolka Mudug.

Degmadaasi waxaa galinkii hore ee shalay dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamada Soomaalia iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kalena, magaalada Gaalkacyo ayaa dadweyne aad u badan waxay maanta dhigeen dibad-baxyo looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo ka soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Soomaaliya oo sheegay in 80 Shabaab ah ku dileen Camaara